Soomaalida Wararka

Daawo : Caruus farxad darteed la ooyay habeenkii Arooskiisa

Muuqaal yar oo laga soo duubay xaflada ayaa lagu arkayay wiilka caruuska ah oo ilmeeynaya ayna illinta ka tirtireeyso gabadha caruusadda ah.

Waxaa dhif iyo naadir ah in la arko nin Soomaali ah oo meel fagaaro ah ku ilmeeyo farxad uu dareemayo awgeed, waxay dadka Soomaalida ah badankood qabaan in ragga ay yihiin kuwa ‘calool- adag’ oo dareenkooda qarsada.

Hasayeshee, waxa taasi beeniyay Sadiiq Cabdinaasir oo dareenkisa aanan qarsan oo xaaskiisa iyo dadkii joogay xafladaba u muujiya jaceylka u u qabo xaaskiisa.

Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec.

Qaar ayaa aaminsan in tani ay tusaale u noqon karto raga Soomaalida ah ee qarsada jaceylka ay xaasaskooda u hayaan.

Saadiq Cabdinaasir ayaa sheegay in arrintan baraha bulshada lagu dhax wado aanay wax saameyn ah ku reebin isaga iyo xaaskiisa.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s