Caalamka Wararka

Taliban oo sheegtay inay Mareykanka wadahadallo la galeen

Kooxda Taliban ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in wadahadalo ay kula yeesheen dalka Qadar danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Zalmay Khalilzad.

Arrintan ayay Taliban ku dhawaaqeen saacado uun ka dib markii ay fuliyeen weerar ay dad ku dhinteen.

Dadaalada waadaxaajoodka ayaa dhawaan hakad galay ka dib markii Washington ay ka biya diiday kooxda Daalibaan oo iyagu sheegay inaysan wadaxaajod la galayn dowlada Afganistaan.

Kooxda ayaa ku adkaysanaysa in cidda ay wadaxaajoodka la galayaan ay tahay Mareykanka oo aysan dowlada Afganistaan la fariisan doonin.

Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kulmaan dowladda Afganistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka.

Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka, markaas oo ay sidoo kale Taliban diideen inay la kulmaan dowladda Afganistaan.

Weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadaan kooxda Taliban oo dhacay shalay ayaa waxa ku dhintay 20 qof .

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s