Geeska Africa Wararka

Itoobiya oo sanadka soo socda martigalin doonta shirka dhaqaalaha adduunka

Golaha dhaqaalaha dunida ayaa shirkiisii maalmahan uga socday magaalada Dafos ee dalka Switzerland ka sheegay in sanadka soo socdo dowladda Itoobiya ay noqon doonto dowladdii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee marti galisa shirka dhaqaalaha dunida.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Itoobiya ENA asaasaha golaha dhaqaalaha dunida Prof. Klaus Schwab ayaa arrintan kala hadlay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxayna isku waafaqeen in Addis Ababa ay marti galiso kulanka kan xiga ee uu goluhu yeelanayo.

War kasoo baxay xafiiska ra’isul wasaare Abiy ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadleen muhimadda ay leedahay iskaashi wanaagsan oo dhex mara xukuumadaha iyo hay’adaha sida gaarka loo leeyahay si looga hor tago caqabadaha waaweyn ee ay dunidu wajahayso.

Ra’isul wasaare Abiy ayaa intii uu socday shirka Dafos waxa uu kulamo la qaatay qaar ka tirsan hoggaamiyayaasha ganacsatada ka hor inta uusan u ambabixin dalka Beljimka.

Ra’isul wasaaraha oo shirka ka hadlay ayaa ku dheeraday ka hadalka waxqabadkiisa iyo dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyay dhaqaalaha dalkiisa tan iyo markii uu la wareegay dalkiisa xilka bishii Abriil ee sanadkii hore wuxuuna ugu baaqay maal gashadayaashii ku sugnaa madasha shirka Dafos inay ka faa’ideystaan fursadaha ganacsi ee ka bannaan dalka Itoobiya.

Abiy ayaa ka dhawaajiyay in uu jiro qorshe ay dowladdiisu ku wareejinayso qaar ka mid ah shirkadaha ay maamusho si loo gaaro furfurnaasho dhaqaale iyo mid maalgashi, isaga carrabaabay shirkado ay ka mid yihiin kuwa isgaarsiinta , bangiyada, iyo kuwa ka shaqeeya duulimaadyada dalka.

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya gacanta ku dhigay ra’isul wasaare Abiy ayaa dalkaas laga dareemayay is badallo dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda ah oo dalkaas ka hanaqaaday.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s