Caalamka Wararka

Wararkii u dambeeyey ee Wadahadalladii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Daalibaan

Waxaa soo baxaya ifafaalo ah in horumar laga sameeyey wadaahadalladii Maraykanka iyo Daalibana ku dhexmarayey waddanka Qadar, taasoo keentay in dadka qaar ay u arkaan in degaanansho siyaasadeed laga gaadhi karo colaadda 17-ka sano socota ee Afghanistan.

Wadahadallada ayaa furmay Isniintii, waxayna dhexmarayeen koox uu hoggaamiyo ergayga Maraykanka Zalmay Khalilzad iyo Daalibaanka, waxaa kaloo joogay wakiillada Qadar iyo Pakistaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay ka wadahadleen arrimo kala duwna oo ku saabsan xasilinta waddankaasi.

Daalibaan ayaa ku dhowaaqay inay doonayaan in waqti loo qabto xilliga ay Maraykanku ka baxayaan dalkaasi, taasi beddelkeedana waxay bixinayaan dammaanqad inaan waddankaasi loo adeegsan meel laga weeraro Marayanka.

Wararka ayaa sheegaya in Daalibaanku ay ku dhowaaqi karaan xabad-joojin haddii horumar laga sameeyo qodobka u weyn ee dalabkooda oo ah inay Maraykanku ka baxaan Afghanistan.

Dhinaca kalena Daalibaanka ayaa magacaabay wakiil u joogi doona xafiiskooda Qadar oo lagu magacaabo Mullah Cabdul Ghani Baradar, ninkaasi oo ka mid ah taliyayaasha milatariga Daalibaan isla markaana hoggaaminaya wadahadallada ka socda Qadar.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s