Soomaalida Wararka

Shirka suuqgeynta shidaalka Soomaaliya oo maanta London ka furmaya

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay shirkadda shidaalka Soomaaliyeed oo ay martigelisayna shirkadda xogaha dhaqaalaha ee Seismic ayaa maanta ka furmaya magaalada London.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa natiijooyinkii ka soo baxay qiimeyn iyo cilmi baaris ay sameysay shirkadda Seismic, sida uu sheegay wasiirka batroolka Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Wasiirka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeeyay eedeymaha la xiriira in uu doonayo in uu shirkan ku xaraasho batroolka Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan heshiisyo shirkado shisheeye ugu saxiixi doonin shidaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in shirka khalad laga fahmay.

Kadib hadallo kala duwan oo ka soo baxay dhinacyo ka biyo diiddan shirka oo u arko in aanuu sax ahayn ayaa wasiirku hoosta ka xarriiqay muhiimadda shirkani leeyahay iyo in aaney sax ahayn hadallada qaar eela faafiyay.

Wasiir Cabdirashiid oo sharraxayay waxa shirkani ku saabsanyahay ayaa sheegay in shirka London uu yahay oo kaliya madal lagu soo bandhigayo cilmibaaris iyo sharciga qabyada ah ee batroolka.

AwKutub News

Advertisements

One comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s