Geeska Africa Wararka

Madaxweynaha Faransiiska oo ku yimid Kenya

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa gaaray magaalada Nairobi, ka dib markii uu soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay dalka Itoobiya.

Emanuel Makroon ayaa ka bilaabay safarkiisa uu ku marayo Afrika dalka Jabuuti, Isniintii la soo dhaafay halkaas oo uu ku booqday 1,400 oo ciidamo Faransiis ah oo ku sugan saldhigga Faransiiska ee Jabuuti.

Maakroon ayaa safarkiisii Jabuuti kadib u gudbay Itoobiya halkaas oo uu wadahadal kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Wadahadalada Kenya ku dhex mari doona Makroon iyo Uhuru waxaa qeyb weyn ka noqon doona dhisma waddada tareenka ee isku xirta caasimadda iyo garoonka caalamiga ee Joma Kenyatta.

Sidoo kale Makroon ayaa ka qeybgeli doona shir madaxeedka arrimaha deegaanka ee ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay kaas oo berito oo khamiis ah ka furmaya Kenya.

AwKutub News

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s